Muxaadar

Somali

Muumin. Diberdayakan oleh Blogger.

Dowlada Kenya oo shaacisay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidanka ka jooga Somalia qeyb ka yihiin kuwa Midowga afrika ee AMISOM

| Kamis, 08 Desember 2011
Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ciidamadeeda galay gudaha Somalia ay wixii hada ka dambeeyaka mid yihiin kuwa midowga afrika ee AMISOM, waxaana go’aan lagu gaaray kulan golaha wasiirada dalkaas ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Mathew Ettara oo ah Afhayeenka dowladda Kenya oo la hadlay warbaahinta isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa waxa uu ka warbixiyay fadhiga Golaha wasiirada Kenya, isagoo xusay in fadhigaas golaha wasiirada Kenya ay ku ansaxiyeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in ciidamada dalka Kenya ee howlgalada ka wada gobolada Jubooyinka ee soomaaliya ay ku biiraan howlgalka AMISOM.

 Kulanka Golaha wasiirada Kenya ee arintas lagu gaaray ayaa waxaa shir gudoominayay wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi Kenya Musas Watangula, waxana afhayeenku uu sheegay in kulankaasi arinta ugu muhiimsan ee loo qabtay ay ahayd ansaxinta in ciidamada Kenya ay ku biiraan AMISOM ee howlgalada ka wada Somalia.
Gudoomiye ku-xigeenka baarlamanka Kenya faarax Macalin ayaa manta ka sheegay magaalada Nairobi in Baarlamanka dalkaasi uu maalinta beri ah isugu iman doono kulan looga doodayo ansixinta go’aanka ka soo baxay golaha wasiirada dalkaas ee sheegaya in ciidamada Kenya ay ku biiraan kuwa AMISOM ee howlgalada ka wada Somalia, taasoo uu sheegay inuu filayo in iyana ay qalinka ku duugi doonaan

0 komentar:

Posting Komentar

 

Copyright © 2010 Somali | Design by Dzignine